Sidee Loo Noqdaa Qof Wanaagsan. - XARAF MEDIA

Home Top Ad

Responsive Ads Here

Saturday, 23 December 2023

Sidee Loo Noqdaa Qof Wanaagsan.

10 Siyaabo ku noqon karto qof wanaagsan. 

inaad noqoto qof wanaagsan waa wax aad u fudud ugu horeyn inaad noqoto qof wanaagsan waxay ka dhigantahay wax badan in aad u qabato Dadka. Waa in aad aqbashaa oo aad jeclataa Naftaada ka hor inta aanad tamarta Xooga saarin caalamka. 


Aqoonyahanada ku takhasusay cilmi nafsiga waxay qarniyo badan ka doodayeen waxa wanaagsan iyo waxa aan wanaagsanayn dad badani waxay u arkaan in ay adagtahay in aad noqo qof wanaagsan lakiin wanaagaagu waa inuu yeesho wax badan oo ku saabsan ogaanshaha naftaada iyo doorka aad ku leedahy aduunka. 


Hadaba si aad u noqoto qof wanaagsan waa in aad dadka kale wax u qabato Ama aad tahay qof Dacad ah oo naxariis leh. hada raaca tilmaamahn soosocda si aad naftaada uga caawiso in Aad noqoto qof Wanaagsan. 


1.KOLSOONIDA NAFTAADA


Marka aynu ka Hadlayno Qofka wanaagsan waxa safka hore ku jira kolsoonida Naftaaada. Kolsoonidu Waxa ka qeyb qaadata in lugu arko inaad tahay qof wanaagsan. Marka kolsoonida laga imaado inaad noqoto qof wanaaagsan waxa kamida inaad naftaada caawiso sida kuwa kale. Waxa muhiimka ahina waa inaad raacdo waxa aad aaminsantahay inuu kaa dhigayo qof wanaagsan. 



2.Dooro Saaxiib ku Wanaagsan. 

Saaxiibku waxa door muhiima kuleeyahy noloshaaada saaxiibka wanaagsan waxa kugu caawinayaa siduu Uu dhaqankiisa iyo dabeecadiisa kuu bari lahaa sidaa darteed waa in aad yeelato saxiib wanaagsan. 

Lahaanshaha qof ku dayasho mudan ayaa kusiinaysa tusaale qof aad ku dayan karto. Qofka waa inuu lahaado astaamo aad rabto inaad gaadho 

3. Jooji inaad naftaada la Barbar dhigto kuwa kale. 

Waa jiraan qaar kaa fiican lakiin hadana micnaheeda maaha inaa adigu is dulayso hoos isku dhigto. Mar walba niyada ku hay in qaar badan kaa xun yihiin. Mar aan nafteena barbar dhigno kuwa kale waxaan luminaynaa kolsoonida nafteena. Ogow marwalba inaad faraxsanaato waxay kaa dhigaysa qof toosan kolsooni isku qaba.


4.Jeclow Naftaada.   

Waa inaad kolsooni yeelato oo sida dadka ujeclaato okale naftaada u jeclataa hadii aad isku inaad dadka kale wax u qabato adiga oo naftaada daryeelin waxaad ku danbeyn xanaaq iyo qof liita oo naftiisa dacay somalidu waxay ku maahmaahdaa (Tiisa ma Daryeele ayaa tukale kudara)  


5.isku day marwalba iaad dhinac fiican wax ka eegto.  

Inaad marwalba dhinaca xun wax ka eegto waxay dhaawacaysaa naftaada shaqsi ahaan. Iyo habka aad kula dhaqmayso dadka kale 


6.Noqo qof Samafale ah. 

Isku day inaad maalikasda u samayso dadka wax wanaagsan. Xataa hadii ay wax yar yihiin ficilka Naxariista iyo deeqsinimada ayaa saamayn weyn ku yeelan doona shaqsiyadaada sidaa darteed ku dadaal inaad wax wanaagsan u qabato dadka lugugu xasuusto. 


7.Qaraabo Xidhiidhinta. 

Inaad la xiriirto dad waa wax wanaagsan xataa hadii ay yihiin yagu dad xun taas muhiim maaha. Waxa muhiim ku ah inaad adigu noqoto qof qalbi wanaagsan marka Yaga loo eego. Tusaale maxariistada tusi qof adiga ku xumeeyay.  

8.Noqo qof Cafis Badan. 

Inaad qof Cafisaa way adagtay lakiin dadku waa bani adam Khalad way Samayn karaaan sidaa darteed inaad cafiska barato waa muhiim shaqsiyad ahaan si aad u noqoto qof dadku jecel yihiin. 

9.noqo qof Daacad ah. 

Sidaa aynu ognahay beentu waxay burburisaa xiriirka waxayna lumisaa kolsoonida. Sidaa darteed intaad been sheegi lahayd daacad u noqo kuwa kugu xeeran kusoo dhawaada.


10 Xakamee cadhadaada. 

Marka aad qof la doodo Ama laga cadhaysiiyo isku day in aad xakamayso cadhadada. Iska ilaali in aad noqoto qof qalafsan oo dabeecad xun marka aad dadka la murmayso. Sida aynu wada ognahay cadhadu waa dabeecad dabiici ah oo bani Aadamka ku abuuran lakiin hadana ma fiicna inaad cadhadaada dibada usoo bixi oo laga dareemo in aad cadhoonayso. 







Diyaariye- Abdirahman othman Abdirahman 







No comments:

Post a Comment